Marcos Asensio Oo Si Lama Filaan Ah Uga Jawaabay Hadii Ay Real Madrid U Baahan Tahay Saxiiyo Cusub

Xidiga kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Marcos Asensio ayaa wuxuu sheegay in uusan isaga ku lahayn wax cod ah hadii ay Los Blancos samayneyso saxiixyo cusub, xili la waydiiyay hadii naadigiisa ay ubaahan tahay inay lasoo wareegto ciyaaryahano cusub.

Los Blancos ayaa waxay haatan ku raad-joogtaa laacibiin  dhowr ah, kuwaasoo loo arko bedalka Cristiano Ronaldo, kaasoo Juventus ku biiray.

Marcos Asensio oo la hadlay warbaahinta ayaa tibaaxay inuu rajaynayo inay kooxdiisa lasoo wareegto laacbiniin cusub, si loogu xoojiyo safkooda.

“Aniga wax cod ah kuma lihi hadii aan sameynayno saxiixyo cusub, laakiin waxaan qabaa inaan heli karno wax walba oo noo muhiim ah,” ayuu yiri Marcos Asensio,

“Madaxwaynaha kooxda iyo maamulka ugu sareeya ayaa gaari kara wax ku saabsan suuqa iyo ciyaartoyda cusub ee imaaneysa,” ayuu raaciyay.

“Laakiin, waxaan ogahay inay kusoo dari doonan kooxda, wax walba oo ka dhiman, waana taasi waxa noogu muhiimsan,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Marcos Asensio.