Marcos Asensio Oo Tilmaamay Tartanka Uu Ugu Jecelyahay Inuu Kulan Kasta U Dheelo Real

Da’yarka Real Madrid ee Marcos Asensio ayaa wuxuu afka ku balaariyey in tartanka Champions League uu yahay kan uu ugu jecel yahay inuu had iyo goor udheelo Los Blancos.

Si gaar ah kulamadda ka dhacaya garoonka kooxda reer Spain ee Bernabéu ayuu carabka ku dhuftay inuu aad uxiiseeyo.

“Habeenada Champions League ee Bernabéu,” ayuu ku jawaabay markii la waydiiyey waqtiyadiisa ugu fiican Madrid.

“Ma wax dhib ah kuma jiraan kulamadda kale, kuwaasoo lala barbardhigo karo kuwani,” ayuu raaciyay.

“Wareegyada sideed dhamaadka, afar dhamaadka ayaa ah kuwa aan xiiseeyo,” ayuu hadalkiisa daba dhigay.

“Markaasi waxaad ubaahan tahay inaad dhaliso gool,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wiilkaan udhashay dalka Spain.