Mario Balotelli Oo Dhulka Ku Jiiday kooxda PSG

Super Mario Balotelli kooxdiisa Nice waxay guuldaro 2-1 kala kulantay naadiga PSG kulan ka tirsana Ligue 1 France oo weliba xidigaan qoriga goosha garaacay daafacyada PSG-na dhibaato u geestay

Angel Di Maria iyo Dani Alves ayaa PSG guusha siiyeen laakiin Mario Balotelli naadiga caasimada France ka dhisan xaqiraad cad ayuu ku sameeyay

Mario Balotelli wuxuu yiri “PSG waa koox iska yar oo la mid ah Guingamp, mana kala jecli PSG inay cayaareyso iyo in kale”

“PSG waxaan daawaday kaliya marki ay Real Madrid la cayaareesay taasi oo micnaheeda ah inay Paris koox iska yar tahay xiisana aan u qabin kulamada ay cayaarto horyaalka inaan daawado ama aan ka warqabo”

“Weyna u qalmeen Paris inay guuldaro kala kulmaan Real Madrid waayo labada koox isku awood ma ahan sidoo kalena isku cayaartooy ma ahan”

Balotelli ayaa xili cayaareedkan dhaliyay 14-gool asigoo cayaaray 21-kulan wuxuuna sameenayaa bandhig laakiin nasiib daro xulka Talyaaniga looguma yeerin

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com