Martin Keown Oo Saadaaliyay 4-ta Kooxood Ugu Sareeya, ee galaya Kaalmaha hore

Halyeeyga hore ee Kooxda Arsenal Ahna Khabiirka BT Sport ee Martin Keown ayaa saadaaliyay 4-ta Naadi ee ku dhamaysan doona kaalmaha ugu sareeya horyaalka premier League .

Arsenal ayaa guul ka gaartay kooxda Man United iyada oo si toos ah ugala wareegtay kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.

Naadiga Arsenal oo haatan ku jirta kaalinta 4-aad ayaa kaliya hal dhibic ka dambaysa kooxda Tottenham halka ay 2 dhibcood ka dambayso kooxda kaalinta 5-aad ee Man United.

Si kasta ha ahaatee Keown oo Arsenal kula guulaystay 3 horyaal iyo 3 FA cup ayaa sheegay in ayna Arsenal ku dhamaysan doonin kaalamaha loogu soo baxo champions league.

Daafacii hore ee Arsenal ayaa sheegay in ay kooxaha Tottenham iyo Man United ku dhamaysan doonaan kaalmaha ugu sareeya horyaalka premier League

“6 bishii August todobaad ka hor bilowga xilli ciyaareeda waxa aan saadaaliyay 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka waanan ku sii adkaysanayaa”.

Macalin Pochettino wuu ka fiican yahay in uu Tottenham u ogolaado in ay meesha kasaarto ,Man  United-na waxa ay dib u dhalatay kadib markii uu Solskjaer imaday.

Halkan Hoose Kaga Bogo 4-ta Kaalin ee kooxaha premier League ugu sareeya:

  1. Liverpool
  2. Man City
  3. Tottenham Spurs
  4. Man Utd