Massimiliano Allegri ayaa aad ugu dhaw in Ole Gunner uu ka badallo maamulka kooxda Man United

Tababarihii hore ee juventus  Massimiliano Allegri ayaa aad ugu dhaw in Ole Gunner uu ka badallo maamulka kooxda United sababo la xariira natiijooyinka liita ee kooxdaas

Saxaafadda Italy ayaa sheegeysa in United ay xariir kula jiraan macalinka reer Italy sida wargeyska Tutto Sport uu sheegayo xilli Massimiliano Allegri haatan yahay bilaa shaqo.

Man United waxaa hishiiskaas uga baxaya 6.5 milyan oo gini , xilli aad loogu badinayo in Ole Gunner laga taqalusayo haddii United ay guul dareysto kulanka Liverpool ee horyaalka Ingiriiska

Macalinka ayaan dhankiisa qarrin in uu aad ugu hammuun qabo in uu ka shaqeeyo horyaalka Ingiriiska  balse taasi micnaheedu aheyn in uu diyaar u yahay in uu aado hopryaalka Ingiriiska isaga oo u sababeeyay in weli uu baranayo luqadda Ingiiiska

Sidaas oo ay tahay waxaa  durba la shaaciyay xiddigaha uu la imaan doono United ,Daily Mail ayaa sheegeysa in Mario Mandžukić iyo Emre Can uu doonayo macalinkaas in uu la yimaado kooxda United