Massimiliano Allegri Oo Sheegay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Champions League

Macalinka Kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri ayaa saadaaliyay naadiga ku guulaysan doonta koobka champions League xilli ciyaareedkan kadib markii ay Juventus wareega 8 dhamaadka ku hartay .

Juventus ayaa tartanka ka hartay kadib guuldaro ka soo gaartay kooxda Ajax kulan ka tirsanaa lugtii 2-aad ee 8 dhamaadka tartanka champions League .

Massimiliano Allegri oo la hadlaya DAZN ayaa yiri “Waxa aan horay u sheegay in ay kooxda Barcelona ugu cad-cadahay ku guulaysiga champions League, haatana waxay ay gaareen Semi-finalka taas ayaana muujinaysa in ay ugu cad-cad yihiin ku guulaysiga tartanka champions League.
Kooxda Barcelona ayaa iska xaadirisay Semi-finalka kadib markii ay kabadiyeen kooxda Man United iyaga oo haatan Semi-finalka la ciyaari doona kooxda Liverpool .

Juventus ayaa ku guulaysiga horyaalka Serie A-da oo ay markii 8-aad oo xiriir ah ku guulaysteen .