Mateo Kovacic Oo Si Aan La Filayn Uga Jawaabay Hadii Xagaaga 1aad Uu Ku Fashilmi Karo Chelsea

Xidiga cusub ee Chelsea wiilka lagu magacaabo Mateo Kovacic ayaa balanqaaday inuu kooxdiisa ka caawin doono sidii ay ugu guuleysan lahayn tartamo waa wayn.

Blues ayaa nan ka qayb geli doonin xili ciyaareedka cusub ee 2018-19 tartanka Champions League, iyaga oo dheeli doona koobka caanka ah ee Europa League.

Kovacic oo labo sano oo amaah ah ugu soo biiray Blues xili uu ka yimid Real Madrid ayaa ka codsaday ciyaartoyda iyo maamulka Madrid inay ka caawiyaan sidii uu kooxda ula qabsan lahaa.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa la su’aalay Kovacic hadii ay macquul tahay inuu xili ciyaareedka koowaad ku dhibtoon karo la qabsiga EPL, taasoo fashil u hor-seedi karta, xili uu geeska geliyay.

“Waxaan aad ug farax-sanahay oo aan la xamaasadeysanahay inaan halkaan yimaado,” ayuu Mateo Kovacic usheegay warbaahinta rasmiga ah ee kooxda kubada cagta Chelsea.

“Dareenkayga waa mid aad u wanaagsan, waxaana isku deyi doonaa inaan kooxda siiyo wax walba oo wanaagsan.

“Kani waa horyaal iigu cusub aniga, mar walba bilowga waa wax adag, laakiin waxaan hubaa in macalinnka iyo iyaartoyda aan isku kooxda nahay ay iga caawin karaan inaan qaato sanad ciyaareed fiican,” ayuu kusoo xiray.