Matic Oo Shaaca Ka Qaaday Sababta Ay U Tahay Wax Aad U Adag La Shaqeynta Macalin Jose Mourinho

Ciyaaryahan walba ma ahan mid awood badan u leh inuu ka hoos shaqeeyo Jose Mourinho, marka laga reebo midka soo bandhigaya wax walba oo uu isaga weydiisto, sida uu daboolka ka qaaday xidiga Manchester United, ee Nemanja Matic.

Matic oo fasal ciyaareedkan kusoo biiray kooxda Old Trafford ku dheeshay ayaa waxaa lagu soo iibsaday aduun lacageed dhan 31.5 Milyan oo Yuuroo, isagoona tan iyo xiligaas shabaqa soo taabtay saddex jeer dhamaan tartamada oo dhan xili 41 kulan uu dheelay.

Ciyaartii ay dhawaan ka hortageen dhigooda Brighton ee ka tirsaneed tartanka FA Cup-ka, markaasoo ay kusoo lagdeen kooxdaan, ayaa wuxuu ahaa dhaliyaha goolkii labaad ee Manchester United, xili midkii koowaad uu dhaliyay Lukaku.

“Waa ay adag tahay inaad la shaqeyso isaga, maxaa yeelay wuxuu mar walba doonayaa wax aad ubadan, xitaa hadii aad ku guuleysatid EPL, sanad xiga wuxuu rabaa inaad ku guuleysato, wuxuu ubaahan yahay ciyaartoyda sidaas diyaarka u ah,” ayuu Matic yiri.

“Wuxuu doonayaa ciyaartoyda heer sare ah, kuwaasoo mar walba heegan ah, maxaa yeelay wuxuu ku saarayaa cadaadis weyn, qof walba wuxuu rajeynayaa inuu guuleysto kulan walba, xaqiiqadii ma ahan mid sahalan inaad la shaqeyso isaga.

“Isaga waxba uma arko hadii aad daashay ama in kale, mar walba wuxuu doonayaa inaad la timaado tayadaada kubadda cagta – waa mid caadi ah taasi,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, ciyaaryahankii hore ee Chelsea, Nemanja Matic.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com