Matic Oo U Jawaabay Mourinho Kadib Markii Uu Xidigaha Man Utd Uu Ku Tilmaamay Kuwa Sar-qaansan

Tababaraha kooxda kubada cagta Manchester United, ee Jose Mourinho, ayaa wuxuu dhawaan uu ku tilmaamay ciyaartoydiisa gaara ahaan kadib guushii ay ka gaareen dhigooda Brighton, kuwa sar-qaansanaa, inkastoo ay guul soo hooyeen.

Goolal ka kala timid Matic iyo Lukaku, ayaa waxay ka saaciday Manchester United, inay guusha ay soo qaadato, islamarkaana ay usoo baxaan wareega Afar dhamaadka FA Cup-ka, halkaasoo ay hadda kula balansan yihiin dhigooda Tottenham.

Sikastaba, Matic oo la su’aalay sida uu u arko hadalka kasoo yeeray Mourinho, iyo hadii uu isaga ku jiro dadka uu farta kusoo fiiqay hogaamiyaha naadiga ugu guulaha badan wadanka UK, ayaa sheegay uusan la yaabin ayna tahay daacadda macalinkooda.

“Mar walba isaga waa mid jecel inuu guusha helo, maxaa yeelay waa mid takhasus gaar ah u leh, waxaana taasi marag fur u ah inuu ku guuleystay wax ka badan 20 koob,” ayuu ciyaaryahankii hore ee Chelsea cod dheer ku yiri.

“Waad aragtaa marka aan guul dareysano ma ahan mid aqbali kara midaas, qiyaas ahaan marka waxaad umaleyneysaa inuu yahay mid mar walba hadafkiisa uu yahay guul,” ayuu hadalkiisa kusii daray, wiilkaan reer Serbia.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay hadalkiisa Nemanja Matic: “Wuxuu ka taagan yahay xirfadda macalinmo darajo sarre, sidaas darteeda wuxuu ogyahay in qof walba uu guul ka filayo xitaa taageerayaasha waa kuwa isaga guulo waa weyn ka filanaya.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com