Mauricio Pochettino Oo Fariin Cagajugleyn Ah U Soo Diray Barca Kahor Kulanka Champions League

Tottenham iyo Barcelona, Labadaan kooxood ayaa wada dheeli doona dheesha ugu dambeysay ee heerka Group-yadda tartanka Champions League.

Mauricio Pochettino, oo horey uga soo shaqeeyay horyaalka Spain, wuxuu qiray inay Barca noqon doonta kooxda ka gacan-sareysa.

Balse, hogaamiyaha naadiga EPL-ka dheesha wuxuu rajo xoogan ka muujiyay inay guuleystaan dheesha soo socota.

“Hadii aan inaga guuleysano labada kulan ee soo socota, waan soo bixi karnaa, oo aan baaqi ayaan kusii ahaan karnaa,” ayuu yiri.

“Balse, waxaan xaqiiqo ah inay Barcelona guuleysan doonto, oo aanan laga bixin Karin kaalinta koowaad.

“Hasa yeeshee, waxaan ku dadaali doonaa, inaan gaarno heerka ugu sareysa, waxaana sameyn doonaa, wax kasta si aan u badino.

“Koox ayaan nahay, waxaana haysanaa ciyaaryahano waawayn, waana inaan guusha u dhabar adeegnaa, ma qaadan karno khasaaro,” ayuu kusoo xiray hadalkiisa macalin Mauricio Pochettino.