Maxaa ka cusub kiiska kufsiga ee lagu soo eedeeyay Cristiano Ronaldo

Police-ka Las Vegas ayaa xaqiijiyay inay su’aalo weydiin doonaan  xiddiga  kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo.

Saraakiil ka tirsan Police-ka Las Vegas ayaa xaqiijiyay inay haayaan macluumaad dhowr ah, hase ahaatee, ay doonayaan in ay Captain-ka Portugal isna la dhageysto  ee Cristiano Ronaldo..

Kiiskan ayaa dib loo furay toddobaadkii hore, balse maadaama uu xiddiga ku sugneyn dalka Mareykanka, lama oga xilliga ay su’aalaha weydiinayaan.

Xilli kiiska xiddigii  hore ee Manchester United uu marayo meelo xasaasi ah, haddane  laacibka 33-jirkan ayaa waqti qurux badan magaalada Lisbon ee caasimadda Portugal kula qaadanaya saaxiibtiisa Georgina Rodriguez.

Si kastaba ha ahaatee, Ronaldo ayaa dafirsan kiiskan, iyadoo ay jirtay in Kathryne Mayorga uu siiyay £288,000 si arrintan aynan usoo bannaan bixin.

Police-ka ayaana sheegay in waqtigii uu kufsiga dhacayay ay ka war heleen kufsiga Ms Mayorga, balse lama ogeyn shaqsiga u geystay.