Maxaa Sababay Geeridii Lama Filaanka Ahay Ee Kabtanka Kooxda Fiorentina Ee Davide Astori?

Subax-nimadii hore ee Saakay meydka kabtankii kooxda Fiorentina, wiilka lagu magacaabo Davide Astori, ayaa waxaa laga helay qol uu ka degaa Hodheel ku yaala dalka Talyaaniga.

Sababta ka dambeysa dhimashadiisa ayaa waxay la xiriirtaa xanuun dhanka Wadnaha ah.

La Viola, ayaa wuxuu dheeli lahaa kulan ay maanta la ciyaari lahayd kooxdiisa dhigeeda Udinese, laakiin dib ayaa loo dhigay kulanka.

Daafacaan dhexe, kaasoo Talyaaniga udhashay ayaa wuxuu marar difaacay maaliyada qarankiisa, waxaana loo magacaabay kabtanka kooxdiisa sanad ciyaareedkan aan hada ku jirno.

Wuxuu hada ahaa 31-sano jir, waxaana jirin wax dhibaato oo dhanka caafimaadka ah oo lagu ogyahay, taasoo geeri loogu saadaalin karay, waxaana dhawaanahaan ay naadiga Fiorentina, ahayd mid heshiis kordhin kala xaajooneysay.

Ciyaaryahankaan ayaa wuxuu kusoo shaax-baxay kooxaha Milan, Cagliari iyo Roma, isagoona hada saaxiibo badan ku lahaa Fiorentina halkaasoo uu ku qaadanayay Saddex sano.

Kulankiisii ugu horeeyay wuxuu udheelay qarankiisa sanadkii 2011, markaasoo kulan saaxibtinimo ay la dheeleen Ukraine, isagoona guud ahaan udheelay Talyaaniga 12 jeer.

Waxaa intaas dheer, in kulankii Udinese-Fiorentina, loo baajiyay in loo muujiyo in xushmad loogu hayo, maadaaam uu Lix sano udheelayay kooxda reer Sardinian, isagoona guud ahaan usaftay 180 kulan.

Masuuliyiinta xiriirka kubada cagta Talyaaniga ee Serie A, ayaa aqbalay in la hakiyo kulan, inkastoo aanan wali la shaacin waqtiga la dheeli doono, waxaana ka hadlay oo ka tacsiyeeyay Geerida Davide Astori dad badan oo caan ah.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com