Maxaa ugu waaweyn wararka kubada cagta caalamka iyo waqtigan Majaladaha dunida wararka ugu waaweyn

1- Milkiilaha Naadiga Paris Saint-Germain Nasser Al-Khelaifi ayaa la sheegay inuu la kulmay wakiilada Naadiga Roma iyadoo ay jiraan warar xan ah inuu iibsado naadiga ama inuu share ku yeesho misna Qasnada u jabiyo si u maalgashi ugu samayso shirkada dunida kubada cagta waalaysa ee Qatar Investiment misna Gudoomiye ka yahay Nasser Al kahleifa

2- Nadiga Manchester United ayaa go’aan ku gaartay xidiga labada sano qandaraskiisa ka hadhay Ee Paul Pogba Inay gebi ahaanba iska fasaxdo qiimaha ay ku rabto ayaa ah 140m oo pound misna ku dhawaad 160m oo euro taasina Real madird way ku adag tahay,

3- Sida caadada ahayd naadiga Brossia Dortmund ayaa suuqa si wayn ugu muuqata haatan waxay la soo waregtay sadex xidig oo magac kulahaa kubada cagaa ee Germany hore waxay u iibsadeen Thorgan Hazard, Nico Shulz haatan waxay qarka u saran yihiin naadiga Liverpool inay ka dulqaatan xidiga Lagu qiimeynayo €40m ee Julian Brandt Misna u ciyaara Nadiga Bayer Liverkusen

4- Naadiga Manchester city ayaa suuqa ka doonaysa laba daafac waa wayn si ay bedel ugu noqdaan Vicent Kompany oo 11-sano ka dib waqtigiisa Etihad soo dhamaday iyo Otamendi oo laga yaabo inuu ku biiro naadiga Atletico madird waxaana diirada u saaran Harry Meguire iyo Skrinier Inter u ciyaara iyo daafacyo kale sidoo kale Man city ayaa qarka u saaran xidiga Qadka dhexe naadiga Atletico ee Rodri sidoo kale waxay doonayaan Thomas partey

5- Naadiga Manchester United ayaa si ramsi ah ula soo waregtay da’yarka naadiga Wales ee Daniel James saxiixyada kal macquulka ah inay la soo waregto waxaa ka mid ah Aaron wan Bisaak and Thomas partey

6- Naadiga real madird ayaa gebi ahaan laga yaabaa inay isaga baxdo saxiixa Luca Jovic maadama kooxdiisa Frankfurt ay Real madrid ka dalbatay €100m taasi ayaa naadiga Real madird ku adkaa doonta fursadna ay sii doonta nadiga Barcelona oo hore u doonaysay xilli real madird ayna ogolayn waxba badan 60m oo euro

7- Naadiga Juventus ayaa hashiis 5-sano ah la gaartay xidiga Reera Serbia iyo naadiga Lazio Sergej Milinkovic-Savic: xidigan ayaa 5-sano qandaras ah la galay naadiga Ku ciyaarta Magaalada Turino Juve wax kale

8- Frank Lampard ayaa doonaya inuu dib ula midoobo saaxiibkiisii ​​hore ee Chelsea Gary Cahill Xidigan dhibanaha u noqday da’diisa ayaa laga yaaba inuu ku biiro kooxda derby County

9- Xidigii Sadexdii sano u dambesay Man United laga soo diidayay 100m ee Gareth bale ayaa suuqa yaalo waliba laysku baryaya Real madird ayaa qiimo walba Xujo la’aan ah xidigan ku iibin karta balse waa kooxdee musharkiisa bixin karta misna qaadan karta waxa lala xiriirinayaa naadiyada Man United v Spurs walow United ay bixin karto musharkiisa bedlkisana ay doonayso da’yaro mustaqbal leh

8- Naadiga Barcelona ayaa laga yaaba inay wada lumiso De ligt and Griezman sababo kala duwan siiba Xidiga Reera Dutch iyo kooxdiisa Ajax ayaa wakiilkiisa raba lacago ka madax banan qandras burburintiisa 60m oo euro lacagtaasi wakiil Riola uu rabya ayaa lagu qiyaasayaa 15m halka barca ay u ogoshahay 8m ilaa 7m taa bedelkeda De ligt ayaa ku biiri kara koox walab wakiilkiisa jeebada u buuxin karta

9- Saacadaha soo aadan naadiga Lyon ayaa macalinkeda u magacabi doonta Sylvinjo waa xidig hore Arsenal sido kale Agaasimaha kooxda ayaa noqon doono isla xidgii hore Lyon ee Juninho Labadaba waxay ka soo jeedaan Dowlada lagu tixgeliyo kubada cagta ee Brazil

10- Ugu dambayntii xidiga kursiga kaydka Camp Nou daashaday Malcom ayaa ka tagi doona kooxdiisa barce wuxuna fursad uhaystas inuu kala doorto kooxaha Midba dhankeda ka sheegata magaalada London midkood Arsenal ama Tottenham

11- Gebi ahaan naadiga Manchester United ayaa iska soo diiday 30m lagu daray Ivan Perisic ayna inter milan ku doonayso Lukaku Wakiillads xidigan ayaa dalabkaasi wata balse Man United ayaa ku rabta lacag Cash ah 80m ilaa 70m oo euro

12- Daqiiqado ka hor Naadiga Napolitano ayaa man United ka soo diiday Aduun lacageed 110m oo euro ayna ku doonaysay daafaceda Kalidou Koalibaly shalay 100m laga soo diiday halka kooxdiisa ayna gorgortan ka geli doonin 150m oo euro qandaraskiisa ayaa ku eg bisha june 2020 waxa macqul ah qandras cusub xilli ciyaaredkii ku qaadan doono 7m uu qalinka kooxdiisa Napoli dul dhigo

13 – Naadiga Liverpool ayaa la xiriirtay xidiga naadiga Lyon ee Memphis Depay xidigahaa Reera dutch gigada Anfield ka ciyaara Guni Wijnadum and Van dijk ayaa maamulka naadiga ku qasbayo inay xidgan lagu heli Karo €35m la soo saxiixdan

12 Majaladaha Spain ayaa Waxay wada qorayaan Real madird in ay hashiis 5-sano ah la gaaraty kubadsameyaha Danishka ahi iyo naadiga Tottenham ee Cristian Eriksen Hashiskan ayaa dhacaya horaanta bisha June marka lagu kala baxo finalka Cl oo 1-da bisha lagu balansan yahay Giggada Wanda Metropolitano ee magaalada Madird

13- Paris Saint-Germain ayaa qarka u saran hashiis 50m oo euro inay kula soo wareegto xidiga naadiga Napoli ee Allan

Inta aan qoraalkan qorayay War ii soo dhacay waxay shegayan in Petr Cech dib ugu laaban doono kooxdiisa hore ee Chelsea misna uu noqon doono madaxa ciyaaraha ee kooxda

Warar goos goos ah

Maurizio Sarri ayaa kooxda Chelsea ka tagayo madama kooxdiisa ay ka tashatay koox walba waxay ka sii rabtaa 5m oo magdhaw ah macalinkan iyo kuwa kale dhowr waxa lala xaririnayaa shaqada Juventus waxa ka mid ah kuwa kale Jose Mourinho , Guardiola,Pochettino and Deschamps

Naadiga Manchester United iyo Atletico madird kooxdii jeebkeeda ciilo ayaa ka sabri karta da’yarka Attacking Midfielder ka ciyaara Joa Felix naadiga Man United waxay miiska saartay 105m oo euro misna u dhiganta 94.5m oo pound inay diidan ama inay qaataan ayaa jawaabta laga sugaya kooxda dalka Portugal ee Benfica 90% wa amacquul Man United inay soo wareegto

Arsenal ayaa qarka u saran inay la soo waregto daafaca Ajax Taglifio iyo Walfred Zaha u ciyaara palace sidoo kale Hakim Ziyech ayaa 25m ku soo qaadan kartaa

Ivan Rakitić and Samuel Umtiti kama mid ahan qorshaha kooxds barca misna ay ku baxayaan Summerka dhanka kale barca ayaa laga soo diiday dalab 25m ah xidiga dalka Uruguay iyo naadiga Celtavigo ee Max Gomes kooxdiisa aya ku doonaysa 40m oo euro

Bruno Fernandez ayaa noqon kara saxiixa labaad ay samayso naadiga Liverpool ka hor inta aysan la soo saxiixan xidiga dalka france iyo nasdiga Lyon misna hore ku fashilmeen ee Nabil Fekir

W/Q:Abdulkadir Mohamed Abdullahi