Maxaad Kala Socotaa Dhaqdhaqaaqa Suuqa Kala iibsiga

Man United iyo Man City oo ku dagaalamaya Isco Xiddiga dalka Spain ayaa laga yaabaa inuu xagaaga ka tago Real Madrid

Manchester United iyo Manchester City ayaa ku dagaalamaya saxiixa ciyaaryahanka qadka dhexe ee Real Madrid Isco, sida Aan Kasoo Xigtay Sport.

PSG ayaa sidoo kale xiiseyneysa 27 jirkaan, kaasoo seddex gool dhaliyay, labona caawiye ka ahaa La Liga xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Juventus ayaa heshiis la gaartay Milinkovic-Savic Juventus ayaa heshiis shaqsi ah la gaartay xiddiga Lazio Sergej Milinkovic-Savic, sida ay ku warameyso Jariirada Gianluca Di Marzio.

Laakiin ciyaaryahanka dalka Serbia ayaa wali dalbanaya inuu Kooxda Ka Tago, Juve ayaana haatan heshiis la gaartay Lazio, iyadoo Ciyaaryahankaan Lagu qiimeeyay 100 milyan oo euro.

W/Q:Nuuradiin Diinaan