Maxaad Ugu Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Kulan Kooxaha Elman iyo Dekedda Fc

Kulan xiiso badan ayaa galabta wuxuu ka dhici doona garoonka Banadir Stadium ee Degmada Cabdicasiis, kaas oo dhaxmari doono kooxaha Dekedda Fc iyo Elman, waana kulankii 21- ee laga dheelayo horyaalka Somali Premier League.

Kani waa kulan ay iskaga hor imaan doonan muruqo weynta horyaalka Dalka, markaan saas ku leeyahay waxey labadan kooxod isku heestan horyaalka, Dekedda waxey leedhahay 10-dhibcood halka ay Elman leedhahay 8-dhibcood, kaliya 2-dhibcood ayaa u dhaxeeya labada kooxod.

WARARKA LABADA KOOXOD:
Xidiga kooxda Dekedda Zakariye Towfiiq ayaa kulankan wuxuu ku seegi doona saddex kaaro jaalo oo u aruurtay, taas oo keentay in kulankan weyn uu maqnaado.

Sido kale Dekedda waxaa ka maqnaanaya xidigeeda weerarka ka ciyaara ee Rymond kaas uu dhaawac ku seegaya ciyaartan.

Kooxda Elman dhamaan xidigaheeda waa u taam, taas oo la micna ah in ay hubkeeda galabta u dhameeystiran yihiin.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Saddexdii kulan ee ugu dambeyay ay labadan kooxod isku arkan horyaalka waxaa mid kamid ah badisay Dekedda, sido kale Elman ayaa kulan adkaatay halka kulan kale ay bar baro ku kala tageyn kooxahan.

Kooxda Dekedda kulankii ugu dambeyay waxey 2-0 ugu soo adkaatay naadiga Midnimo.

Naadiga Jaalayasha ee Elman ciyaartii ugu dambeysay waxey guul daro 1-0 kala soo kulantay kooxda Madbacada Qaranka.
Ciyaaryahankii hore kooxda Dekedda Seyga Ruushka ayaa galabta ka hor imaan doona kooxdiisa Dekedda, isago iminka sita maaliyada Elman.

Dekedda Fc ayaa iminka hogaanka u heeso Horyaalka iyado leh 10-dhibcood halka Elman ay fadhiso kaalinta 3-aad ee kala sareynta horyaalka waxeyna leedahay 8-dhibcood, taas oo ka dhigan in ay labadan kooxod ku dagaalami doono hogaanka horyaalka.

OGEYSIIS CIYAARTA:
Tartanka: Horyaalka Somali Premier League
Kooxaha: Dekedda Fc Iyo Elman Fc
Garoonka: Banadir Stadium
Saacada: 3:30

W/Q:Cabdifitaax Nani