Maxamed Saalax oo Ciqaabay kooxaha waa weyn ee Horyaalka Premier League marka laga reebo laba koox ma, ahan

Xiddiga kooxda Liverpool Maxamed Saalax ayaa wacdaro aan  caadi ahayn ka dhigaya xilli cayaareedkiisii ugu horreeyay ee horyaalka Premier League

Weeraryahanka xulka  Masaariga ayaa markale shabaqa tagay kulankii ay 2-1 uga adkaadeen kooxda Crystal Palace.

Ma ahan oo kaliya inuu yahay gool dhaliyaha ugu sarreeya wadanka England 29-gool ee wuxuu kaloo hogaaminayaa gool dhalinta shanta horyaal ee ugu waa wayn  qaraada Yurub.

Wuxuu soo bar bareeyay Rikoodhka Didier Drogba ee Afrikaankii ugu horreeyay ee hal xilli cayaareed Premier League ka dhaliya 29-gool.

Haddaba Maxamed Saalax ayaa goolal ka wada dhaliyay dhammaan kooxaha Horyaalka marka laga reebo Man United, Swansea City iyo West Brom.

Labada koox ee hore wuxuu la cayaaray labada lugba taa oo ka dhigan inay yihiin labada koox ee kaliya ee ka bad baaday ciqaabta Maxamed Saalax, balse West Brom wuxuu la soo cayaaray hal kulan oo qura oo ushiisa way ku dhici kartaa kulanka labaad.

Image result for mohamed salah

Image result for mohamed salah

Image result for mohamed salah

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com