Maxay Kawada Hadleen Madaxa FIFA iyo Madaxweynaha Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya?

Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed, Cabdiqani Saciid Carab ayaa wuxuu la kulmay dhigiisa Hay’adda kubada cagta aduunka FIFA, ninka lagu magacaabo Gianni Infantino.

Cabdiqani iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxay kala hadleen Infantino qodobo badan oo ku saabsan xaalada kubada cagta Soomaaliyeed, oo uu qiray madaxa FIFA inay dalkeena uu horumar ka sameeyay.

Infantino ayaa ubalanqaaday Wafdiga Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Soomaaliya inay siin-doonan taageero dhinac kasta, ayna ka qeyb qaadan doonan horumarka kubada cagta Soomaaliyeed.

Wuxuu ku amaanay madaxda xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed sida ay mar walba heegan ugu yihiin inay sarre uqaadaan kubada cagta Soomaaliya, ayna ugu bixinayaa waqti badan.

Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed ayaa wuxuu uga mahad-celiyay Infantino sida maamulkiisa uu diyaar uyahay inay ka qeyb qaataan dib udhiska kubada cagta Soomaaliya.

Dhanka kale, Wafdiga xiriirka kubada cagta Soomaaliya ayaa waxay ka qeyb geli doonan kulamo uu yeelan doono xiriirada Africa CAF iyo FIFA, kuwaasoo maalmaha soo socda dhici doona.

Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed, Cabdiqani Saciid Carab aya wuxuu kamid yahay Guddiga qaban qaabada ee koobka adduunka 2018, kaasoo 14-ka bishaan furmi doona.