Maxkamad Faransiiska Ku Taalo Oo Aqbashay Baaritaan Lagu Sameeyay Kiis Ka Dhan Ah Karim Benzema

Maxkamadda racfaanka ee magaalada Paris ayaa diiday dalab ka dhan ah Karim Benzema iyo shan ruux oo kale, oo ku saabsan dacwad sumcad dil ah.

Weerar yahana Real Madrid ayaa lagu soo eedeeyay inuu sumcad dilay saaxibkiisii hore ee Mathieu Valbuena iyo wadaagista sariir sanadkii 2015-kii.

Laacibka Los Blancos ayaa eedaymahaan oo uu ku waayey booskiisa xulka qaranka wuxuu ku dhuftay gaashaanka isaga oo iska fogeeyay.

Maxkamadda ayaa aqbashay in baaritaano dheeri ah lagu sameeyay kiiskan, islamarkaana lasoo bandhigo caddeym.

Majaladda EFE ee dalka Spain ayaa sheegaysa in Benzema uu racfaan ka qaatay go’aanka maxkamada, islamarkaana uu ugudbiyey garsoorka sarre.

Qareenka Benzema iyo shanta qof ee kale ayaa dalbaday inaan lasoo bandhigin go’aanka, maadaama ay tahay arrin xasaasi ah.

Sylvain Cormier, oo ah Qareenka difaacaya Benzema wuxuu shaki geliyay daawacnimada Garsoorayaasha isaga oo xusay inuu dhacay xukun jaran-jeera.

Sikastaba, helitaanka xukunka ugu dambeeya ee kiiskaan ayaa laga cabsi qabaa inuu qaato wax ka badan Sanad, maadama ay tahay arrin aanan sahlaneen waxa ay isku haystaan dhinacyaddani.