Messi Oo Digniin Culus Oo Ku Aadan UCL U Diray Maamulka Barca & Sababta Oo Uu Sharaxay

Lionel Messi ayaa wuxuu si furan uga hadlay wax ku saabsan sheekadii xanuunka badneed oo ay Barcelona uga hartay Champions League gacanta Roma, isagoona uga digay inay sii socdaan guul-darooyinka Yurub.

Barcelona ayaa waxaa ay ku hareysay wareega Sideed dhamaadka Champions League, saddexdii sano ee lasoo dhaafay, taasoo Messi uu dareemayo inay tahay wax aan la qaadan karin.

“Waxaan ku hareynay saddex-sano oo xiriir ah wareega Sideed dhamaadka, marka taasi wax badan nagu sii dhici karaan,” ayuu usheegay Majaladda Mundo Deportivo.

“Ma aanan wajahin kooxo, lagama maarmaan ahaan naga fiican inaga, marka waa inaan si-ilaalinaa. Waana inaan isku dayno inaan joojino tani,” ayuu ku daray hadalkiisa.

“Waxaan dooneynaa inaan jabino caqabada ah inaan ku harno wareega Sideed dhamaadka sababtoo ah, ma qaadan karno inaan sanad kale aan qaadi wayno Champions League,” ayuu raaciyay.

“Sababta aan uqaadan karin waxay tahay inaan waxa ay kooxdaan macno ahaan ka dhigan tahay,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, Wiilka gaaban ee Barcelona, Lionel Messi.

Waxay umuuqataa in tartanka Champions League uu yahay waxa ay diiradda saari doonan Barcelona oo ay ugu dambeysay inay hantaan sanadkii 2015-kii, oo ay Juventus ka qaadeen.