Messi Oo Go’aan Ka Gaaray Mustaqbalkiisa Kadib Isku Dhicii Eric Abidal

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa in uu go’aansaday in uu iska sii joogo kooxda Barcelona inkasta oo ay isku dheceen Eric Abidal.

Wargeyska Sky Sport ayaa sheegaya in uuna xiddiga 32 jirka ah ee  xulka Argentine marna ka fikirayn in uu isaga tago kooxda Barcelona wax walba oo dhaca.

Heshiiska Lionel Messi ee Barcelona ayaa dhici doona xagaaga 2021 waxana uu xiddigu diyaar u yahay in uu qalinka ku duugo heshiis cusub si uu meel u saaro Mustaqbalkiisa.

Sidoo  kale Barcelona ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga iyaga oo doonaya in ay bilaha soo socda si Rasmi ah wadahadalo ula furaan xiddiga reer Argentine.

Warkan ayaa meesha ka saaraya wararka xanta ah ee maalmihii ugu dambeeyay la xidhiidhinayay in uu xiddigu isaga tagayo kooxda Barcelona.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com