Messi Oo Jawaab Cajiib Ah Siiyay Macalin Conte Kadib Markii Uu Ku Tilmaamay Laacibka Dunida Ugu Fiican

Ciyaaryahanka kooxda kubada cagta Barcelona, ee Lionel Messi, kasoo dhaliyay xalay goolashiisii 99aad iyo 100aad ee tartanka Champions League kulankii ay xalay 3-0 kusoo khaarjiriyeen Chelsea, ayaa sheegay inuu ku farax-san yahay goolashaas uu dhaliyay, Laacibkaan soo si lama filaan warbaahinta uga soo muuqday ciyaartii Blues kadib ayaa wuxuu ku bilaabay hadalkiisa: “Aad ayaan ugu farax-sanahy inaan tartan noocaan ah aan ka dhaliyo goolashaas, wuxuuna kulankaan mid muhiim ah.

“Chelsea waxay ahayd mid adag, waxaana mid muhiim ah noo ahayd inaan goolal aan dhalino qeybaha ugu horeeya ee kulanka,” ayuu raaciyay.

“Markii aan dhalinay goolkii sadexaad ee kulanka, qof walba wuxuu ahaa mid inaga noo saadaalinayay,” ayuu hadalkiisa sii daba dhigay leo Messi.

Dhinaca kale, Messi oo ka jawaabay in macalinka Chelsea ee Antonio Conte uu isaga ku tilmaamo midka ugu wanaagsan ayuu yiri: “Aniga ma aanan maqlin midaas, laakiin waana uga mahadcelinayaa wax walba oo uu inaga iiga sheegay.

“Waan ku farax-sanahay sidoo kale inaan gaarno wareega Sideed dhamaadka ee Champions League, oo ah waxa aan inaga dooneynay,” ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Sikastaba kulanka soo aadan, kaasoo sugaya Messi iyo xidigaha ay isku kooxda yihiin wuxuu yahay midka ay la balansan yihiin dhigooda Athletic Club ama Athletic Bilbao, kaasoo dhici doona maalinta Axadda ah ee Isbuuca dambe ama soo aadan.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com