Messi Oo Luminaya Dagaalka Uu Kula Soo Jiray Cristiano Ronaldo

Xiddiga Barcelona ee Lionel Messi ayaa noqon doona 33 jir 24 bisha dambe ee June.

Waa Da’da ay xiddigo badan oo kubada cagta ah bilaabaan qorshohooda ka fadhiisiga ciyaaraha laakiin Messi ayaan arintaas ka fikiray.
Inkasta oo uuna wali qorshayn in uu sii joogi doono Barcelona sanadaha yar ee ka hadhay xirfadiisa ciyaareed hadana waxa uu sheegay in uuna wali ka fikirayn ka fadhiisiga ciyaaraha.

Waxa jira shaki laga qabo inta uu Messi sii wadi karo u ciyaarista kooxda Barcelona marka loo eego in waxa laga doonayo aad u badantahay.

Dhanka Italy Cristiano Ronaldo ayaa muujiyay awoodiisa uu ku joogi karo halka ugu saraysa muddo dheer.

Xiddiga reer Portugal ayaa noqon doona 37 jir marka uu dhamaanayo heshiiskiisa kooxda Juventus xagaaga 2022 marka la eego in uu ku jiro halka ugu saraya ee xirfadiisa ciyaareed waxa la sawiran karaa in uu muddo sii wadi karo in uu halkaas sii joogo.

Ilaa haatan lama garanayo mudada uu Messi heerka ugu sareeya ku sii ciyaari karo inkasta oo qaab ciyaareedkiisa sanadihii ugu dambeeyay cadayn u tahay in uu muddo sii wadi karo ciyaarta.

Halkii uu sii joogi lahaa mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn yurub xiddiga reer Argentine ayaa go’aansan kara in uu ku biiro horyaalka America ee MLS halkaas oo uuna jidhkiisu dalban doonin dadaal aad u badan.

Ugu dambayn taageere kasta oo kubada cagta ah ayaa rajaynaya in uu Lionel Messi sii ciyaaro ilaa inta uu ka gaadhayo 36 ama 37.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com