Messi, Virgil Van Dijk Mise Ronaldo? Taageerayaasha Kubada cagta Oo U Codeeyay Xiddiga Ku Guulaysan Doona Abaalmarinta

Waxa si weyn loo sugayaa xaflada Abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee “The Best” todobaad iyo badh kadib lagu qaban doono magaalada Milan ee dalka Italy.

Abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee sanadka 2019 ayay u tartamaan xiddiga Daafaca uga ciyaara Liverpool iyo xulka qaranka Holland ee Virgil Van Dijk iyo wajiyo aan ku cusbayn abaalmarintan oo kala ah Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Shabakada filgoal ayaa samaysay codayn ay taageerayaasha kubada cagta ku waydiisay cida ugu cad-cad in ay ku guulaysto abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka sanadkan ee The Best.

Waxa aan lama filaan ahayn in ay taageerayashu xiddiga Liverpool ee Virgil Van Dijk u doorteen in uu daafaca Liverpool ee Virgil Van Dijk ku guulaysan doono abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee The Best.

Daafaca kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk ayaa helay cod dhan 57.94% una dhiganta 5803 cod isaga oo cod aad u badan ka horeeya xiddiga kaalinta 2-aad ku jira ee Lionel Messi.

Xiddiga kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa helay cod dhan 21.18% kaas oo u dhiganta 2121 cod halka uu Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo helay codka ugu horeeya 3-da xiddig.

Xiddiga Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa helay 20.88% una dhiganta 2091 cod isaga oo kaalinta 2-aad ka galay codaynta taageerayaasha kubada cagta.