Mesut Özil iyo Ilkay Gündogan oo ah labo cayaartoy ayaa lagu dhaliilay in ay madaxweynaha Turkiga…….

Madaxweynaha Turkiga, Erdogan, ayaa London ku qaabilay cayaartoyda kooxaha Arsenal, Man City iyo Everton ee Ozil, Gundogan iyo Tosun oo dhammaantood asal Turki ah balse kuwada dhasheen dalka Jarmalka.

Erdogan ayaa London u jooga la kulanka Theresa May, isagoo ku guda jira ololihiisa doorashada June dhici doonta.

Cayaartoyda ayaa waxey guddoonsiiyeen Erdogam, fanaanadaha kooxahooda oo saxiixan.

Jarmalka oo aanan la dhacsaneyn siyaasadda Erdogan ee Turkiga ayaa ka carooday sawirrada xiddigaha Ozil iyo Gundogan.

Xiriirka kubadda cagta Jarmalka ayaa si kulul u eedeeyay falka xiddigahan, waxeyna sheegeen in lala xisaabtami doono oo su’aalo la weydiin doono.

Ozil iyo Gundogan ayaa lagu daray liiska cayaartoyda koobka adduunka uga qeyb geli doona Jarmalka koobka aduunka Jarmalka.

Image result for Mesut Özil and Ilkay Gündogan