Mesut Ozil oo laga qabo wal wal in uu seego koobka Adduunka

Wararka ka imaanaya xulka qaranka  Germany ayaa sheegaya in ay soo baxday Cabsi aad u fara badan oo laga qabo in Xiddiga dalkaas Mesut Ozil uu ka maqnaado koobka aduunka kadib markii uu soo gaaray dhaawac Jilibka ah dhawaan.

Wargeyska Bild ee ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa daabacay in Mesut Ozil uusan imaan Tababarka xulkiisa 4 tii maalmood ee lasoo dhaafay kadib markii uu soo gaaray dhaawac Jilibka ah waxaana tababaraha xulka qaranka  uu bilaabay in uu dajiyo qorshaha Cayaaryahankii uu badalkiisa u qaadan lahaa koobka aduunka oo uu dhawaan ka bilaaban doono dalka Ruushka 2018.

Xiddiga 29 Sano jir ah ayaa dhaawac ka soo gaaray Kulankii Saaxiibtinimo ee dalkiisa looga badiyey 2-1 kadib markii ay lacayaareen xulka Austria Waxaana labadalay daqiiqadii 76waxaana lagu badalay Julian Draxler.markii uu dhaawac kasoo gaaray Jilibka aad ayaana looga Cabsi qabaa in uu ka maqnaado koobka aduunka.