Milkiilaha Real Madrid iyo Luka Modric Oo Yeeshay Kulan Fool-ka-fool ah Iyo Qodobada Looga Hadlay

Luka Modric oo isku diyaarinayo kulamada xili ciyaareedka cusub ee Real Madrid ayaa waxa uu kulan la qaatay Milkiilaha ahna Madaxwaynaha Real Madrid.

Majaladda La Gazzetta dello Sport ee wadanka Talyaaniga ayaa ku warameysa in labadda dhinac ay kawada hadleen wararka xanta ah ee ku saabsan mustaqbalka Kabtanka xulka Croatia.

Inter Milan ayaa si wayn loo hadalhayaa inuu ku biirayo Modric, inkasta oo Madaxwayne Florentino Perez uu aduun dhan 750 milyan oo dul-dhigay madaxiisa.

Wali ma uusan saxiixin Modric heshiis cusub, wuxuuna ka dhacayaa qandaraaskiisa sanadka 2020, xili uu qaato 8 milyan oo Yuuroo sanadkii oo mushaar ahaan ah.

Jariiradda MARCA ee dalka Spain ayaa rumeysan in Modric uu shardi ka dhigi karo in hadii laga doonayo inuu saxiixyo cusub cusub loo kordhiyo mushaarkiisa.

Dhanka Jose Angel Sanchez oo ah Agaasimaha guud ee Los Blancos ayaa la kulmay dhinaciisa Modric, isaga oo kala hadlay inuu kooxda sii joogo.

Ma cadda hadii uu jiro balanqaad ah in sare loo qaadayo mushaarkiisa, laakiin waxay qayb ka tahay arrintaan dhibaatooyiin kooxda haysata tan iyo markii uu baxay Ronaldo oo ku biiray Juventus.