Miyuu Casemiro Si Adag U Raaci Doonaa Douglas Costa Marka UCL Isaga Hor-yimaadaan? Isagaa Ka Jawaabay

Xidiga kooxda kubada cagta Real Madrid, ee Casemiro ayaa wuxuu carabka ku dhuftay in uusan si adag u raacan doonin laacibka ay isku dalka yihiin ee Douglas Costa marka ay Champions League isaga hor-yimaadaan bisha soo socota.

Labadaan laacib oo kala dheela Los Blancos iyo Juventus ayaa waxaa lagu wadaa inay isku arkaan wareega Sideed dhamaadka Champions League, markaasoo ciyaartoydooda lugta koowaad lagu ciyaari doono garoonka Juve.

Kulankaan oo ah mid si weyn loo wada sugayo, islamarkaana taageerayaasha labadda dhinac ay si weyn isugu diyaarinayaan, ayaa natiijada kasoo baxda waxaad kala socon doontaa, Shabakadda Laacib.so wax walba oo ku saabsan.

Image result for Casemiro and Douglas Costa

Sikastaba, Casemiro oo warbaahinta la hadlayay ka hor ciyaaraha saaxibtinimo oo uu dalkiisa dheeli doono maalmaha soo aadan ayaa wuxuu taasi bedalkeeda balanqaaday inuu diyaar uyahay inuu daafaco maaliyada Real Madrid.

Mar la su’aalay hadii uu Taako ku qaban doono ama uu si adag uraaci doono Costa maadaama uu soo dhowyahay koobka aduunka ayuu ku jawaabay: “Mara, waan u kala barbari doonaa.

Sikastaba, labadana ciyaaryahan ayaa waxay qeyb ka yihiin liiska ciyaartoyda uu macalinka wadankooda uyeeray si ay udheelaan kulamada ay wajahaan dalalka kala ah: Ruushka oo koobka aduunka marti gelinaya iyo waliba Jarmalka oo difaacanaya.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com