Miyuu Lionel Messi soo xaadiri doonaa xafladda laacibka sanadka ee FIFA

Isniinta soo aaddan ayaa la qaban doonaa xafladda lagu bixinayo abaal marinnada ugu fiican kubadda cagta ee FIFA The Best

Weeraryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa go’aansaday inuu soo xaadiro madasha xafladda ay ka dhaceyso, taasoo dhaxalsiisay inuu ammaan badan helo

Image result for messi  FIFA The Best

Argentina xiddiggeeda sare ayaanan qayb ka ahayn saddexda laacib ee isugu soo haray abaalmarinta FIFA The Best Player Of The Year, Cristiano Ronaldo, Luka Modroc iyo Mohamed Salah ayaana u sharraxan

Image result for Cristiano Ronaldo, Luka Modric and Mohamed Salah

Si kastaba ha ahaatee, Messi ayaa lagu casuumay inuu yimaado xafladda, maadaama uu ka mid yahay kooxda ugu fiican FIFA ee sanadka

Image result for messi  FIFA The Best

Waa naadir inay aqbalaan cayaartoyda waaweyn inay xafladda soo xaadiraan iyagoo aanan u sharraxneyn abaal marin muhiim ah, se, Leo ayaa aqbalay casuumadda si walba oo uu xaalku yahayba

Dhowr toddobaad ka hor, Cristiano Ronaldo ayaa ka maqnaa xafladdii lagu bixinayay laacibka ugu wanaagsan qaaradda Europe, iyadoo loo aaneeyay inuu ka war helay in Luka Modric uu kaga cadcadyahay ku guuleysiga abaal marintaas

Image result for Cristiano Ronaldo, Luka Modric and Mohamed Salah best player Europe

Balse Messi waxa uu qaatay go’aan ka duwan kan CR7, madasha ayuuna ku sugnaan doonaa iyadoo la bixinayo laacibka ugu wanaagsan ee FIFA

Image result for Cristiano Ronaldo, Luka Modric and Mohamed Salah best player Europe