Mohamed Farah oo jirdil iyo midab takoor loogu geystey Garoonka diyaaradaha Munich+Sawirro

Orod yahanka asal ahaan ka soo jeeda dalkeen Soomaaliya balse matala isla Markaana haysta dhalashada dalka England Maxamed faarax ayaa shaaca ka qaaday in Jirdil midab Takoor loogu geystey Garoonka diyaaradaha Magaalada Munich ee dalka Jarmalka.

Sir Mo Farah ayaa bartiisa bulshada soo dhigay Video Gaaban oo uu ka duubay mid ka mid ah Ciidanka amaanka dalka Jarmalka oo feer kaga dhufanaya Xabadka isla Markaana dhawr dib u riixaya waxaana dhex maray muran aad u afara badan.

Maxamed faarax oo taraansiid ku ahaa Garoonka Munich Airport ayaa sheegay in lagula kacay aflagaado midabkiisa ku saabsan iyo in loo geystey jirdil waxaana uu safar u ahaa dalka Ethiopia  halkaa oo uu ku samayn doono Tababar isaga oo sheegay in uu dowladiisa England gaarsiiyey dhibka loo geystey

 

 

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com