Mohamed Salah Oo Guul Ku Hogaamiyay Liverpool Xilli Salzburg Ay Ka Soo Kabsatay Natiijo 3-0 Ah

Xiddiga weerarka Liverpool ee

Mohamed Salah ayaa natiijo ceeb ah ka badbaadiyay  ka dib markii Liverpool  hogaan 3-0 ay iska qasaariyeen saacad markii ay socotay ciyaarta, iyadoo xiddiga reer Masar uu ugu danbeyn u dhaliyay goolka guusha iyagoo 4-3 ku garaacay kooxda Salzburg oo marti ku aheyd Anfield.

Liverpool ayaa 3-0 ku hogaamineysay ciyaarta markii ay Salzburg ay 3-3 ka dhigtay ciyaarta iyadoo saacad ay socoto, laakiin Mohamed Salah ayaa goolka afaraad u saxiixay iyadoo ay aheyd goolkiisii labaad ee ciyaarta.

Liverpool ayaa ciyaarta ku bilaabatay si raaxo ah iyadoo Sadio Mane uu bilowgii ciyaarta hogaanka u dhiibay isagoo dhaliyay goolkiisii 15aad ee Champions League ee kooxda Liverpool.

Wax yar ka dib waxaa Trent Alexander-Arnold ayaa caawiye u noqday daafaca garabka ka Andy Robertson kaasoo gool qurux badan ugu labeeyay kooxda difaacaneysa koobka ee Liverpool.

Mohamed Salah ayaa daqiiqadii 36aad u dhaliyay Liverpool goolkii seddexaad iyadoo la filanayay in kulankaan ay kooxda Reds xasuuq weyn u geysaneyso kooxda Salzburg.

Ka hor inta aan waqtigii nasashada la aadin kooxda Salzburg ayaa gool soo ceshatay oo uu u saxiixay Hee-Chan Hwang, waxaana lagu kala nastay Reds oo 3-1 ku hogaamineysa ciyaarta.

Daqiiqadii 56aad ee qeybtii labaad kooxda Salzburg ayaa si rasmi ah ciyaarta dib ugu soo noqotay markii ay heleen goolka labaad ee ciyaarta, afar daqiiqo ka dibna waxa ay dhaliyeen goolka barbaraha iyadoo uu saxiixay xiddigii seddexleyda ku bilowday waayihiisa Champions League Halland.

Waa markii ugu horeysay ee Liverpool seddex gool looga dhaliyo gurigooda tartanka Champions League tan iyo October 2014 markaasoo ay guuldarro 3-0 ka soo gaartay Real Madrid.

Jamaahiirta Anfield ay amakaak dartiis afka la taagay markii ay arkeen kooxdooda oo seddex gool laga keenay islamarkaana barbaro 3-3 ah ay ku heyso kooxda yar ee Salzburg.

Laakiin xiddiga reer Masar Mohamed Salah ayaa mar kale hogaanka ku soo celiyay daqiiqadii 69aad isagoo dhaliyay goolkii afaraad ee Liverpool iyo goolkiisii labaad ee ciyaarta.

Ciyaarta waxa ay ku soo dhamaatay 4-3 oo ay guusha ku raacday kooxda Liverpool oo halis u gashay inay ceeb weyn kala kulanto kulankii  ee Anfield madaama seddex gool ay hogaanka ku hayeen laga daba keenay.