Mohamed Salah oo ka farxiyay gabar Masaari ah

Weerar yahanka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ka farxiyay gabar ay isku dal yihiin oo sawir gacmeed ka samaysay

Gabadhaan oo lagu magacaabo Shuruuq ayaa sawir gacmeed ka samaysay Mohamed Salah isaga oo xiran funaanada xulka Masar

Waxayna sawirka ku baahisay Twitter-ka iyada oo codsatay in laga caawiyo sidii sawirkeeda uu ku arki lahaa xiddiga ay aadka u jeceshahay ee Mohamed Salah

320

Balse laacibka ayaa arkay sawirkii, wuxuuna ugu soo jawaabay ” Aad ayuu u qurux badanyahay, mahadsanid Shuruuq”

Gabadha ayaa kadib ugu jawaab celisay Salah inuu yahay shaqsiga ka dhigay shacabka reer Masar kuwo madaxoodu uu kor yahay oo ay ula jeedo inuu kor u qaaday sharafta Masaarida

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com