Mohamed Salah oo sanadkii 2-aad oo xiriir ah ku guuleystay abaalmarinta BBC-da ee xidigga ugu fiican Qaaradda Afrika

Laacibka kooxda Liverpool iyo xulka Masar, Mohamed Salah ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah ku guuleystay abaalmarinta BBC-da ee xidigga ugu fiican qaaradda Afrika (BBC African Footballer of the Year 2018)

Kadib ku guulaysigii Mohamed salah ee abaalmarinta waxa uu noqday xiddigii 2-aad ee abaalmarinta xiddiga ugu fiican Africa ku guulaysta hal mar iyo wax ka badan

Xiddiga reer Masar ayaa maray wadadii halyeeyada Kanu Nwankwo oo abaalmarinta ku guulaystay 2 jeer, Jay-Jay Okocha oo isna ku guulaystay laba jeer iyo Yaya Toure oo sidoo kale 2 jeer ku guulaystay abaalmarinta

Kanu Nwankwo (1997, 1999), Jay-Jay Okocha (2003, 2004)

Sawirka Bleacher Report Football.

Waxaa jaa’isadaan kula tartamay Mohamed Salah, cayaaryahan Mehdi Benatia oo Juventus u dheela, Kolibaly oo daafaca uga cayaara Napoli, weeraryahanka Liverpool Sadio Mane iyo Thomas Partey oo khadka dhexe u maamula Atletico Madrid

Afoty

Codeyntii la sameeyay Benatia ayaa galay kaalinta 2-aad maadaama uu Juventus la qaaday Horyaalkii Talyaaniga sanadkii hore

Isla abaalmarintan BBC-da waxaa xilli cayaareedkii hore ku guuleystay Mohamed Salah oo noqday dhaliyihii ugu goolasha badnaa Ingiriiska, isla markaana dhigay rikoorka xidiggii ugu goolasha sarreeyay hal xilli cayaareed (32 gool).
Sidoo kale Mohamed Salah waxa uu dhaliyay 10 gool dhanka Champions League, waloow cayaartii kama dambeysta ahayd ay guuldarro kala kulmeen Real Madrid

Sawirka Bleacher Report Football.

Haatan Salah waxa uu dhaliyay goolkii kooxda Liverpool u soo saaray 16 dhammaadka Champions League, goolkaas oo ahaa mid aad u qurux badan ayuu Salah ka dhaliyay kooxda Napoli

 

Image result for mohamed salah bbc

Sawirka Bleacher Report Football.