Mourinho Oo Digniin Culus U Jeediyay Ciyaartoyda Man United Xili Uu Amar Culus U Dul-dhigay

Tababaraha Manchester United ayaa wuxuu ku amray ciyaartoyda kooxdiisa inay fuliyaan go’aanada isaga kasoo baxa, xidigii aan dhaqan-gelin karin ayuu sheegay inuu iska bixi karo.

Hadalka Jose Mourinho ayaa wuxuu kusoo aadayaa xili dhowaan uu weerar afka ah uu ku qaaday shan kamid ah ciyaartoyda kooxdiisa oo uu ku dhaleeceyay maskax yari.

“Hadii aad dareemayso cadaadis iska joog, gurigaaga – Marka aan leeyahay gurigaaga iska joog, kama hadlayo guriga garoonka,” yuu yir.

“Aniga waxaan sheegayaa guriga..guriga..kana daawo muuqaaladda tv-yadda,” ayuu hadalkiisa kusii daray macalinkan udhashay dalka Portugal.

“Hadii aan dareemayso cadaadis ku saabsan inaad dheeshay kulamo badan…guriga waa halka aad ka helayso dad adiga ku taageera,” ayuu xusay.

“Bax hadda…Aniga marnaba ma aanan dareemin cadaadis marka aan ku dheelayo guriga,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay¬†Tababaraha Manchester United,¬†Jose Mourinho.