Mourinho Oo Jawaab Aan Caadi Ahayn Siiyay Dadka Rumeysan In Man United Ku Jiro “Xasilooni Daro”

Macalinka Manchester United ayaa si adag wuxuu ubeeniyay wararka ku saabsan in kooxdiisa ay ku jirto “xasilooni darro” markii ay sameyn wayday saxiixyo waali ah inta uu furnaa suuqa.

Red Devils oo EPL lagu furayo xili ay wajahayaan Leicester City ayaa waxaa kaliya magaca ugu wayn oo ay lasoo saxiixdeen wuxuu yahay Fred, kaasoo la filayo inuu shumac ka noqdo Old Trafford.

Ninka udhashay dalka Portugal ee leeliya United oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in kooxdiisa ay kalsooni buuxda ku qabto ciyaartoyda ay haysato, ayna diyaar uyihiin inay shaqo adag qabtaan.

“Waa been inaan ugu jirno xasilooni daro saxiixyo badan oo aysan kooxdu sameyn. Marka waxaan sheegi karaa inaan nahay kuwa degan oo diyaar u ah inay shaqo adag qabtaan,” ayuu yiri Mourinho.

“Waa xaqiiqo inaan u baahnaa saxiixyo, balse, hadii aysan dhicin ma ahan inaan ku jirno xasilooni la’aan, sidaas darteedna wa ainaan wada shaqaynaa oo aan diyaar noqonaa,” ayuu xusay.

“Koox walba waxay soo iibsatay xidigo, inagana waxaan sameynay sidaas oo kale, marka horyaalka wuu furmayaa waxaan sameyn doonaa waxa ugu macquulsan,” ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Mourinho ayaa horey uga dhawaajiyay in loosoo iibin waayay ciyaartoydii uu codsaday in loo keeno, taasoo kicisay xasarad inkasta oo gadaal laga qaboojiyay markii uu gaashaanka ku dhufteen masuuliyiinka United.