Mourinho Oo Ka Hadlay Hadii De Gea Ay Ka Iibinayaa Real & Inay Ku Guuleysan Karaan CL

Kiiska ku saabsan David De Gea iyo Real Madrid, waa mid kamid ah kuwa ugu hadalheynta badan dhawaanahaan ee dhanka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, waxaana markaan sheekadaas si toos ah uga hadlay macalin Jose Mourinho.

Isagoo fadhiya shirka Jaraa’id ee ka horeeya ciyaarta la balansan yihiin caawa, taasoo ka tirsan Champions League dhigooda Sevilla ayuu Mourinho si cad ugu sheegay kooxiisii hore inay raadsadaan ciyaaryahan kale.

Mourinho ayaa wuxuu kaloo ka hadlay inay ku guuleysan karaan fasal ciyaareedkan tartan Champions League, isagoona ku celceliyay in aysan ahayn kuwa usharaxan inay Kor-uluxeen Dhaga-weyne.

“Waxaan aaminsanahay inuu [De Gea] sii joogi doono,” ayuu Mourinho usheegay warbaahinta, mar sheekadaas wax laga weydiiyay.

“Ma garan karo waxa uu yahay dareenka Real Madrid, laakiin hadii aan aniga ahaan lahaa meeshooda, waxaan ku fikiri lahaa ciyaaryahan kale,” ayuu hadalkiisa kusii daray macalinkaan reer Portugal.

Hadii ay ku guuleysan karaan Champions League ayuu ka yiri, Maamulaha Manchester United: “Uma malaynayo inaan nahay murashixiinta inay ku guuleystaan tartanka Champions League.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com