Mourinho Oo Ka Hadlay Hadii Uu Jiro Xidig La Filayo Inuu Man United Ka Tago Bisha Janaayo

Daaqadda suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa dib waxay furmeysaa bisha Janaayo ee sanadka soo aadan, xiligaasi oo ay kooxuhu kala tukaameysan doonan.

Manchester United oo kamid ah kooxaha ugu waawayn Premier League, waxaa la odorasayaa inay saameyn xoogan ku yeelan karto suuqa soo socda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Sanchez oo kamid ah xidigaha ugu muhiimsan Red Devils uu kooxda ka tegi karo, taasi oo wax laga waydiiyay Jose Mourinho.

Macalinkaan udhashay dalka Portugal ayaa gabi ahaanba meesha ka saarey arrinkaasi, isaga oo carabka ku dhuftay inaanu jiri doonin xidig tagaya.

“Sanchez ma filayo inuu baxo, waa laacib muhiim noo ah, wuxuu kamid yahay qorshaheyga mudada aan halkaan joogo,” ayuu yiri Mourinho oo saxaafada u waramaya.

Ugu dambeyntii, Mourinho ayaa si cad wuxuu ucadeeyay inaanu jirin xidig uu isaga kooxda ka eryi doono ama uu ogyahay inuu baxayo bisha Janaayo.