Mourinho Oo Qiray Inay Adag Tahay Garaacista Sevilla Xili Sababta Uu Daboolka Ka Qaaday

Tababaraha Manchester United ee Jose Mourinho, ayaa wuxuu qirsan yahay in ka badinta Sevilla, ee kulanka caawa lugta labaad ee wareega 16-ka Champions League, ay adag tahay, maadaama ay sanad fiican ku jiraan.

Labadaan kooxood ayaa waxay kusoo kala baxeen lugtii koowaad Bareejo 0-0, taasoo ka dhigan in aysan wali kala cadeen midda usoo bixi karta wareega Sideed dhamaadka ee koobka xiisaha leh ee Dhaga-weyne.

Ciyaarta caawa ka dhici doonta Masraxa Riyadda ama Old Trafford, ayaa waxaa la dhowrayaa Natiijada kasoo baxda, iyadoo wax walba oo ku saabsan ciyaartaan aad kala socon doonto hadii uu ALLE raali ka noqdo Laacib.so.

“Waxay noqon doontaa mid aad u adag inaan garaacno, Sevilla midkoona ma ahsan soo khasaarin kulamadii ay gurigeeda iyo banaanka kusoo dheeshay Liverpool, natiijadii lugtii koowaad wali waa mid furan,” ayuu qiray Mourinho.

“Ma nihin kuwa ugu wanaagsan Champions League, laakiin markii aan usoo gudubno wareega xiga ayaan kadib bilaabi karnaa inaan tagto Sideed dhamaadka inagoo qosalaya,” ayuu sii daba dhigay.

“Marka aad wali joogtid wareega koowaad ee Bug-baxa, wax walba waxay yihiin kuwa banaanka ah – Inaan garaacno Sevilla iyo inaan utalaabno wareega Sideed dhamaadka waa rajo fiican,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Dhinaca kale, Jose Mourinho ayaa wuxuu amaan uu uhubiyay da’yarka uu mudooyinkii dambe fursadda siinayo ee Scott McTominay, isagoona aad ula dhacsan bandhig ciyaareedka laacibkaan uu sameynayo.

“Waa sida ay hooyadiisa ku dhashay, waana Arday fiican,” ayuu Mourinho ku bilaabay amaanta – Isagoo raaciyay: “Waxaa xasuustaa bilowgii xili ciyaareedkan walba waa uu dhageysanayey oo aan ku sheegay qolka labiska.

“Wuxuu usameysan yahay ciyaaryahan fiican, waana sida ay hooyadiisa ku dhashay oo dabiic ah – Uma baahna inuu wargeyada qabsado, wuxuu kaliya doonayaa daqiiqado uu garoonka ka helo,” ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com