Mourinho Oo Shaaciyey Liiska Ciyaartoyda Ka Maqnaan Doona Kulanka Caawa Ay La Dheelayaan Brighton

Manchester United, ayaa waxa aysan heli doonin ciyaartoyda kala ah: Herrera, Marcos Rojo, Daley Blind, Zlatan Ibrahimovic iyo Phil Jones, kulanka ay caawa Old Trafford kula dheeli doonan dhigooda Brighton, sida uu shaaciyey Jose Mourinho.

Kooxda Red Devils ayaa waxaa laga soo reebay Champions League, iyadoona ay dhibaatadaas ugeystay kooxda reer Spain ee Sevilla habeenkii Talaadda, iyadoona Jose Mourinho uu ka dalbaday ciyaartoydiisa inay kasoo laabtaan Jabkaas.

55-sano jirkaan ayaa waxay ku qaadatay 12 daqiiqood si uu isaga difaaco guul daradaas, islamarkaana uu ucadeeyo inuu wali yahay midka ku haboon hogaanka kooxda ugu guulaha badan wadanka Ingiriiska ee Manchester United.

Guushii Sevilla ayaa waxay shaki ay gelisay sanad ciyaareedka United iyo Mourinho, laakiin wuxuu xaqiijiyay Mourinho maalintii Jimcaha in ciyaartoydiisa ay waajib ku tahay inay sare uqaadaan niyadooda marka ay la hortagaan Bridgton.

Mar la weydiiyay Mourinho hadii ciyaartoyda ay yihiin kuwa soo wada guulaha kusoo laaban kara ayuu ku jwaabay: “Ciyaartoyda waa kuwa fiican, waxayna yihiin tababarka marka ay kusoo laabtaan wax walba aan ka wada hadli doono.

“Marka aan wajahno Brighton, waxaan diyaar unahay inaan sameyno wax ka duwan sidii aan ula dheelnay Sevilla,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Hogaamiyaha kooxda Manchester United, ninka lagu magacaabo Jose Mourinho.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com