Mukhtaar Cali Oo Noqon Doona Qofkii Ugu Horreeyey Ee Somali Ah Oo Ka Ciyaara Koobka K/Cagta Adduunka

Laacibka Mukhtaar Cali ayaa la filayaa inuu ka mid noqdo Ciyaartoyda Xulka K/cagta ee dalka Boqortooyadda Sacuudiga uga qeyb geli doono Tartanka Horyaalladda K/Cagta ee Adduunka (FIFA World Cup) ee sannadka soo socda ee 2018-ka ee lagu qaban doono dalka Ruushka.

Xulka Sucuudiga waxay dhalasho Muwaadinimadda siiyeen Ciyaaryahankaasi oo ku dhashay magaalada barakaysan ee Maka Al-mukarama ee dalka Sucuudiga, isla markaana caruurnimadiisa ku noolaa Sucuudiga, ka hor intaysan isaga iyo Waalidkiisa aadin dalka Ingiriiska.

Xiriirka Kubadda Cagta Ciyaaraha ee Sacuudiga ayaa u yeertay Mukhtaar Cali si uu uga mid noqdo Ciyaartoyda Xulka K/Cagta Qaranka Sucuudiga, kuwaasi oo bishii hore u soo gudbay Kooxaha Calaamka ee ka qeyb geli doona Tartanka K/Cagta ee Adduunka oo bilooyin yar ay ka harsan tahay in la dheelo, Mukhtaar Cali waxa uu Tababaro heer sare la qaataa 10-Ciyaartoy kale oo Ajnabi ah, kuwaasi oo u ciyaari doona Xulka K/Cagta Sucuudiga.

Laacibiinta shisheeye ee u ciyaari doona Sucuudiga ayaa kala ah 2 u dhalatay Sudan, 2- Masaari ah, 2-Yemeni, 2- Nigerian, mid u dhashay Mali iyo mid u dhashay dalka Niger, Dhinaca kale Mukhtaar Cali waxa uu ka mid yahay Ciyaartoyda Kooxda Chelsa ee dalka ingiriiska ee amaah ahaanta ugu ciyaara Kooxda Vitesse Arnhem.

Mukhtaar cali Ciyaartoyga Soomaaliga waxa uu horey uga mid ah Ciyaartoyda England ee uga qeyb galay Tartanka K/cagta ee dhallinyarada British-ka ee ay da’dooda ka hooseyso 16-jir iyo 17-jirka.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com