Munaasabad lagu xusayo sanadguuradii koobaad ee kasoo wareegatay kooxda Mogadishu City Club
Waxaa Xalay la qabtay munaasabad lagu xusayo sanadguuradii koobaad ee kasoo wareegatay markii dib loo soo celiyay naadiga Dowlada hoose ee xamar.
Munaasabad oo ay soo agaasimeen agaasimayaasha maamulka gobalka banaadir ayaa ka dhacday Hoolka gurya samo ee magaalada muqdisho.
Munaasabada waxaa kasoo qeyb galay madax kala duwan oo ka socotay gobalka banaadir oo ay ugu horeyso Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada gobalka banaadir Marwo basmo Caamir jakeeti, Gudoomiyaha uruka haweenka gobalka banaadir Marwo Jawaahir Baarqab,
Dhamaan Agaasimayaasha Gobalka Banaadir, oo uu horkacayo agaasimaha waaxda dhulka ee gobalka banaadir Mudane Xasan Haji gabow.
Iyo sido kale madax heer federaal ah oo uu ugu horeeyo Wasiirka dhalinyarada iyo sportska Hirshabeele Mudane Bashiir Jeenyo, wasiir ku xigeenka wasaarada dhalinyarada iyo Sportska Dowlada Federaalka Mudane Islow, Agaasimaha arimaha bulshada Madaxtooyo Soomaaliya.
Sido kale waxaa kasoo qeyb galay maamulka Naadiga oo ay hogaaminayaan Gudoomiyaha Naadiga Abuukar Maxamed Sheakh, Gudoomiye kuxigeenka naadiga ahna la taliyaha sportska duqa muqdisho Cabdulqaadir Xaaji dacar, iyo Dhamaan Maamulka Naadiga dowlada hoose
Xaflada waxaa isku bartay Agaasimayaasha gobalka iyo Naadiga qeybaheeda kale duwan.