Muslimiimta Caalamka ayay soo jiiteen labadaan Ciyaartooy Ajax ogow sababta

Xiddigaha Noussair Mazraoui iyo Hakim Ziyech ee u ciyaara Kooxda dalka Holland ee Ajax ayaa xalay sameeyay arin soo jiidatay indhaha Muslimiinta Caalamka.

Ciyaaryahanada  naadiga Ajax ayaa la ciyaarays Kooxda dalka  England ee ka dhisan Caasimadda London Tottenham Hotspur ayaa waxaa Kaamirooyinku qabteen Noussair Mazraoui iyo Hakim Ziyech oo ah Ciyaartooy Muslim ah oo garoonka ay ciyaartu ka socotay ku dhex afuraya, waliba ciyaarta oo socota.

Labadaan Ciyaartooy waxay soomeen iyagoo maray Tababar aad u adag iyo ciyaar aad u adag. Waxaana layaab leh in ay u adkaysteen Tababarkaa iyo Ciyaartaa adag ayagoo Sooman.

Tottenham Hotspur iyo Ajax ayaa xalay wada ciyaaray, ciyaar ka tirsan tartanka horyaalka Yurub ee Champions League wareega afar dhammaadka, ayadoo ay Kooxda dalka England samaysay soo laabasho cajiib ah, una gudubtay Ciyaarta kaba dambaysta ah ee Championshs league.

Tottenham Hotspur ayaa 1 June kulnka fiinaalka ah Kooxda Liverpool la ciyaaraysa. Waxaana lagu ciyaarayaa Garoonka cusub ee Kooxda dalka Spain Athletico Madrid, Garoon Ku yaala Magaalada Madrid.

Image result for Noussair Mazraoui and  Hakim Ziyech iftar

Related image

Image result for Noussair Mazraoui and  Hakim Ziyech iftar

Image result for Noussair Mazraoui and  Hakim Ziyech iftar

Image result for Noussair Mazraoui and  Hakim Ziyech iftar