Mustaqbalka Dambele Ee Barcelona Oo Uu Shaki Ku Jiro Xili Ay Ugaarsnayaan Kooxo Kala Duwan

Ousmane Dambele, ciyaaryahanka Barcelona, ayaa waxaa hareeyay masiirkiisa naadiga Barcelona shaki balaaran, kaasi oo aanan la hubin hadii uu baaqi kusii ahaanayo.

Bluagrana ayaa laacibkaan waxay kasoo iibsatay dhigeeda Dortmund xagaagii hore, waxaana loo arkayay bedalka Neymar, taasi oo aanan muuqan.

Sida ay sheegayso warbaahinta, Dambele ayaa waxaa haatan ka fiirsanaya sii joogitaanka camaaliqada La Liga, maadama uusan haysan boos joogta ah.

Wakiilka xidigaan oo dhowaan hadlay wuxuu ka dhawaajiyay inaanu meelna uga socon Barca, isaga oo carabka ku dhuftay inuu sii joogayo Camp Nou.

Mad-madow baahsan ayaa ku jira mustaqbalka laacibkaan, kaasi oo la filayo inuu wax kasta kala cadeeyo marka dib layskugu soo laabto kulamada kooxaha.

Haatan kooxaha waxay ku jiraan nasiino dheeri, balse waxaa la filayaa in dib loo anba qaado kulamada todobaadka soo socda, markaasi oo gorada lays deri doono.