Muxu ku soo dhamaaday kulankii shaley dhaxmaray kooxaha Heegan Iyo Banadir S,C

kooxaha Heegan iyo Banadir Sports Club ayaa maalintii shaley ku kala baxeyn bar baro 2-2, ciyaar qeyb ka ah tartanka Star League.

Banadir ayaa mar walba la hormareysay goolashas waxaana labada gool u dhaliyay xidiga lagu magacabo qeys Cabdule Macalin halkan Heegan ay ka kala heshay goolasha xidiga Jabriil Xasan Fariid iyo Cabdiyow.

dhanka kale kulan kale ayaa galabta ka dhici doona garoonka Banadir Stadium, kaa oo u dhaxeeya kooxaha Horseed iyo Dekedda, ciyaartan ayaa ka tirsan tartanka Star League.

Dekedda kulankii ugu dambeyay waxey bar baro la soo gashay kooxda Elman, halka Horseed ay ka soo adkaatay kooxda Jeenyo.

Ciyaartan ayaa ah mid aad u xiiso badan Dekedda labo kulan ayee soo ciyaartay mid waa laga badiyay midna bar baro ayee gashay, halka Horseed ay kulankii ugu horeyay laga soo badiyay, kulankii xigna ay badisay.

W/Q:Cabdifitaax Nani