Muxuu Kaga Dhigan Yahay Luis Suarez Goolkii Uu Ka Dhaliyay Xalay Malaga?

Xiddiga reer Uruguay Luis Suarez ayaa furay goolasha Barcelona kaliya 15 daqiiqo markii ay soctay cayaarta kadib markii uu madax ku dhameystiray karoos ka yimid Jordi Alba

Goolka Suarez ka dhaliyay Malaga ayaa ahaa kii ugu horeeyay taariikha La Liga uu ka dhaliyo kooxdan ka dhisan koonfurta dalka Spain

Sidookale goolka ayaa ka dhigan in Suarez uu haatan gool ka dhaliyay koox walba oo La Liga uu ku wajahay inta uu la joogo kooxda Barcelona

Luis Suarez ayaa goolal ka dhaliyay mid kasta oo kamid ah 25ka koox oo kala duwan oo uu ku wajahaya horyaalka La Liga

Weeraryahankii hore ee Liverpool ayaa rikoorkaan sameeyay xili 106 gool guud ahaan uuu kaga dhaliyay La Liga kooxda Barcelona

Suarez waxa uu dhaliyay 21 gool oo horyaalka La Liga ah xilli cayaareedkan, taasoo la micno ah inuu seddex gool ka dambeeyo Messi oo tartanka adag ugu jira abaalmarinta gooldhalinta ee Pichichi

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com