Muxuu kaga duwanyahay Davide Astori-Kumanaan Caruur ah ayaa Maalin kasta ku dhimata dunida

Daafacii  hore ee kooxda kubada Cagta Barcelona iyo Juventus Dani Alves ayaa isweydiiyey sababta sidaa oo dhan loogu buun buuninayo geeridii daaficii kooxda Fiorentina Davide Astori’ kaas oo Axadii meydkiisa laga helay Hotel ku yaala Magaalada Udine.

Xiddiga Dani Alves” marka waxaan leeyahay qoyska Davide Astori’ waan ka xumahay geerida wiilkiina waxaase isweydiin mudan imisa Caruur ah ayaa Maalinkasta ku geeriyoota dunida dacaladeeda iyaga oo aan weliba haysan wax daryeel taas ayaa muhiim ah in lays weydiiyo intii la buun buunin lahaa hal qof oo dhintay.

Xiddiga xulka Braziil iyo kooxda Paris Saint-Germain’oo hadalkaan ka sheegay shirkii Jaraa’id ee kulanka Champions League ee ay la cayaari doonaan kooxda Real Madrid waxaana uu ku soo beegmayaa xili caalamka oo dhan weli la naxsanyihiin Geeridii lama filaanka ahayd ee ku dhacday daafaca dalka talyaaniga ee Davide Astori waxaana durbadiiba soo baxay hadalo Mucaarad iyo taageero kala ah oo ka soo baxay dadka caalamka.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com