Muxuu Ku Soo Dhaamaday Kullan Cayaaredkii U Dhaxeeyay Kooxaha Banaadir Sports club Iyo Horseed

Kooxda Banaadir ayaa galabta guul daradii ugu horreysay gaarsiisay kooxda Horseed kulan ka tirsan horyaalka Somalia Premier League ee xilli cayaareedkan kaddib markii ay 3-2 ku martay.

Horseed oo wax ka qaban kartay hogaanka horyaalka ayaa wax guul ah horey ula kulmin sagaal kulan ay horey u soo cayaartay.

Qeybtii hore ee dheesha ayaa la is boobsiiyay oo la iska dhaliyay goolasha oo idil.

Markasta waxaa goolka la hor marayay Banaadir, horseedna waa soo bar bareeneysay ilaa ay soo gudi waysay goolkii ugu dambeeyay.

Guul darrada ayaa ka dhigan in Horseed ay fariistay labaad 21 dhibcood iyadoo ay ka hartay Dekadda oo ay isdaba eryanayeen baryahaanba 24-dhibcood.

Banaadir ayaa soo dhawaatay oo soo degtay kaalinta 3-aad 20-dhibcood.

wajiga labaad ee horyaalka ayaa ku bilawday qaab cayaareed qurux badan

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com