Muxuu Ku Soo Dhaamaday Kullan Cayaaredkii U Dhaxeeyay Kooxaha Elman Iyo Heegan

Heegan oo si ku meel gaar ah u soo degtay kaalinta 3-aad ee Somalia Premier League kaddib markii ay ka adkaatay Elman

Heegan ayaa si ku meel gaar ah u gashay kaalinta saddexaad ee horyaalka Somalia Premier League kaddib markii ay 2-1 ku martay Elman.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-0 walow ay labada kooxod ay soo bandhigeyn kubadd aad ay ugu riyaaqeyn taageerayasha u soo daawasho tagay ciyaarta.

Markii dib la isku soo laabtay qeybtii dambi ee ciyaarta wada tashi dheere ah ay soo sameyen labada dhinac kooxda Elman ayaa heshay gool waxaana u dhaliyay Xidiga Daandii ciyaarta ayuu ka dhigay 1-0 ay ku hogaamineyso kooxda Heegan.

Wax yar markii ay socotay ciyaarta kooxda Heegan ayaa badal sameysay waxeyna garoonka ka saartay Samson waxeyna keentay Mahad Saha kaa uu wax badan ka badalay ciyaarta.

Heegan ayaa goolka bar baraha heshay waxaana goolkas u dhaliyay Mahad Saha balse ciyaarto dhamaad ah waxaa goolkii guusha u dhaliyay Niyanzi Ronaldo.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-1 ay guusha ku raacday Wiilasha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Heegan.

Guusha ayaa uga dhigan Heegan inay iminka leedahay 19-dhibcood, balse Benaadir ayaa saddexaad kala bixi doonta haddii ay soo adkaato maadaama ay iminka leedahay 17-dhibcood.

W/Q;cabdi fitaax nani

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com