Muxuu ku soo dhamaaday kulankii weyna ee dhaxmaray kooxaha Muqdisho City Club iyo Elman Fc

Kooxda Muqdisho City Club ayaa guul 2-1 ah ka gaartay naadiga Elman, kulan ka tirsanaaa koobka xiisaha badan ee General Daa’uud oo ay galabta ku wada ciyaareen garoonka Eng Yariisow  Stadium ee  dhaca Degmada Cabdicasiis.

Qeybta hore ee ciyaarta aayaa lagu kala maray barbaro 1-1 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood.

Daqiiqadii 8-aad Kooxda Muqdisho City Club ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta, waxaana dheesha 1-0 ka dhigay xiddigooda lagu magacaabo Marcello.

Laakiin daqiiqadii 11-aad ee ciyaarta Elman oo heshay goolka barbaraha, waxaana 1-1 ka dhigay dheesha Jamaal.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib ay dib isugu soo laabteen labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Laakiin daqiiqadii 70-aad Kooxda Muqdisho City Club ayaa waxay la wareegtay hogaanka ciyaarta waxaana 2-1 ka dhigay markale Marcello.

Ugu dambeynii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-1 ay guusha ku raacday kooxda Muqdisho City Club, waxayna sidaas ku heleen 6 dhibcood, labo kulan ay ka ciyaareen koobka xiisaha badan ee General Daa’uud.

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and outdoor

Image may contain: 1 person

Image may contain: 14 people, people standing