Muxuu kusoo dhamaaday kulan ciyaareedkii u dhaxeeyay Muqdisho City Club iyo Gaadiidka

Kooxaha Gaadiidka iyo Muqdisho City ayaa kulan xiiso badan galabta kuwada ciyaaray garoonka koonis ee degmada Cabdicaiis ciyaar qeyb ka ah Horyaalka Somali Premier League.

Qeybtii hore kulanka ayaa lagu kala nastay 2 iyo ay ku hogaamineyso kooxda MCC waxaana goolasha u kala dhalliyay ciyaaryahanada kala ah ciise iyo qeys, sidaas ayaa lagu kala nastay qeybtii hore kulanka.

Markii dib la isku soo laabtay qeybtii dambi ee ciyaart wiilasha Gaadiidka ayaa la yimid goolkii calanka waxaana u dhaliyay ciyaaryahan Yaxye, kulanka ayuu ka dhigay 2 iyo 1 ay ku horkaceyso Muqdisho City Club.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo dhamaaday 2 iyo 1 ay guusha ku raacday Muqdisho City Club.

Image may contain: 1 person, standing, sky and outdoor

Image may contain: 3 people, people standing, sky and outdoor

Image may contain: stadium and outdoor

Image may contain: 1 person, playing a sport and outdoor
Image may contain: 1 person, smiling, playing a sport and outdoor
Image may contain: 2 people, people playing sports and outdoor
Image may contain: 2 people, people standing and outdoor