Muxuu kusoo dhamaaday kulankii adkaa eeKooxaha Heegan iyo Madbacada

Kooxda kubadda cagta Heegan ayaa shalay galabta guul dirqi ah ka gaartay naadiga Madbacada fc kadib markii 1- 0 ugu adkaatay, ciyaar qeyb ka aheyd horyaalka somali Premier League. Qeybtii hore kulanka ayaa lagu kala nastay bar baro goolka la’aan ah. Balse marki dib la isku soo laabtay qeybtii dambi ciyaarta xiddigaha Heegan ayaa la yimid goolkii guusha waxaana u dhaliyay cabdimajiid banteki isago badal ku soo galay kulanka Si kastaba Heegan ayaa heshay saddexdii dhibcood ugu horeysay horyaalka somali premier league.

Image may contain: people playing sports and text